Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Jaamac Yuusuf ayaa waxa uu noqday Shisheeyihii muddadii ugu dheereyd si sharci la’aan ah ugu noolaa dalka Imaaraadka Carabta (UAE), isagoo muddo 50-sanno ah si sharci-darro ugu noolaa dalkaasi.
Maxamed Jaamac, oo haatan 74-jir ah waxa uu go’aansaday inuu dib ugu soo laabto dalkiisa hooyo, isagoo ka faa’ideystay fasax ay Dowladda Imaaraadka Carabta u fidisay Shisheeyaha sharci-darradda ugu nool dalkooda.
0dayga Soomaaliga oo muddo nus qarni ah ku noolaa mgaalladda Ajman ee Iimaaraadka, ayaa waxa dalka Imaaraadka tegay sannadihii 50-aadkii, isagoo 24-jir ahaa.
‘0daygaasi ayaa soo dhaweeyey Cafiskaasi oo bilowday December 4th ee sannadkii hore , iyadoo cafiskaasi ku ekaanayo bisha March 4th ee soo socota.
‘Waa Fursad muhiim u ah dadka anigoo kale ee aan haysnin lacago ay isaga bixiyaan ganaaxa ay ku muteysteen sharci l’aanta ay ku joogaan dalkan’ ayuu yiri Odaygaasi oo u waramayey Wargeyska The National ee ka soo baxa dalkaasi.
Maxamed Jaamac Yuusuf, waxa sheegay inuu walaacsan yahay inaysan jirin qof kafaala-qadi doona daryeelkiisa marka uu kua laabtoi dalka Somalia, wuxuuna xusay iuusan caafimaadkiisa wanaagsanayn.
0daygaasi oo sannadkii 1924-kii yimid dalka Iimaaraadka, waxa uu ku biiray Ciiddankii dalka Britain ee joogtay Gacanka Carbeed, wuxuuna waagaasi labo sanno ah hawlgal loogu diray dalka Yeman, ka hor intuusan dalka Iimaaraadka dib ugu soo laabanin.
Sannadkii 1874-kii ayuu shaqada Ciiddamadda Iimaaraadka ka ruqseystay, kadibna waxa uu u wareeghay inuu u shaqeeya Shirkad Gaadiidka Xamuulka oo uu lahaa Nin ay Ciiddamadda ka wada tirsanaan jireen.
Wareysiga uu dhawaan siin jirey Wargeyska The National, waxa uu ku sheegay in sannadkii 1992-kii la khiyaamay, kadib, markii uu nin Mukhalas ah uu ka dhacay lacag dhan Dh 3,600 si uu Sharci dal-ku-joog ama Akhaamo ugu soo saaro, balse uu Mukhaliskii dhuuntay xilli uu Maxkamadda dacwad u gudbiyey.
Maxamed Jaamac Yuusuf oo ay sannadihii ugu dambeyeey xaalladiisa caafimaad sii xumaanaysay oo uu qabo Dhiig-kar (High Blood Pressure) iyo Macaan (Diabetes) waxa uu haatan ku nool yihiin qol yar (single room) oo ku yaalla magalladda Ajman, kaasi oo uu siiyey Nin ay saaxiibo yihiin, oo xitaa u qabtay Adeegto ama Jaariyad cuntadda u kariso.
Wargeyska waxa uu qoray inuu Odaygaasi beryahan inta badan noqday mid sarriirta saaran (bed-ridden), waxaana taageero siiya Jaalliydda Soomaalida oo iyagu u iibiya Daawooyinka wax looga qbanayo xaalladiisa caafimaad.
Axmed Maxamed oo si joogta ah u caawiya 0dayga ayaa sheegay inay wixii awoodood ah ku taakuleeyaan, balse ay awoodda dhaqaalaha iska gaaban tahay.
Maxamed Jaamac Yuusuf oo aan weligiisa haba yaraatee guursanin, ma laha wax awlaad ah, waxa uu Wargeyska ka soo xigtay isagoo oranaya:- ‘Waxaan guud ahaan Dunidan ku haystaa waa Rabbi iyo dadweynaha Iimaaraadka, oo mar kasta I caawiya.’ Wuxuuna intaasi sii raaciyey:- ‘Waxaan doonayaa inaan geeriyoodo,, oo si wanaagsan la iigu aaso dhulkan Barakaysan’.
Ugu dambeyntii, waxa uu xusay inuu ka cabsanayo in familkiisa iyo saaxiibadiisa ku nool Somalia ay yihiin kuwo lagu dilay dagaalladii labaatanka sanno kasocday Somalia, amaba ay yihiin kuwo nool oo aysan isaga xusuusan karin.
Idale News Muqdisho