Xuutiyiinta Yaman oo gacanta ku dhigay deegaano cusub oo ka tirsan magaalada Cadan

0
271

Cadan(INO) Dagaalyahannada Xuutiyiinta wadanka Yaman ayaa lasoo sheegayaa iney gacanta ku dhigeen deegaano hor leh oo ka tirsan magaalada Labaad ee dalka Yaman ee Cadan oo ay mudooyinkii u danbeeyey ka dagaalamayeen.

xuuthiyiintaYemenSanca

Xuutiyiinta ayaa lasoo sheegayaa iney la wareegeen gacan ku haynta Xarunta baarlamaanka magaalada Cadan ee Koonfurta dalka Yaman, Wararka ka imaanaya magaalada Cadan ayaa ku waramaya in kooxda Xuutiyiinta aysan Saamayn weyn ku yeelan duqaynta cirka ee ay ku hayaan Isbahaysiga uu Sucuudigu hogaaminayo.

Xuutiyiinta ayaa wada dhul ballaarsi waxayna sare usii qaadeen dagaalada ay ku qaadayaan xaafadaha magaalada Cadan ee ay maamulaan ciidamada daacada u ah madaxweynaha sharciga ah ee dalka YAman Cabdul Rabi Hadi Mansoor.

Axmed Al-Casiiri afhayeenka Isbahaysiga Sucuudigu horkacayo oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyey in Xuutiyiintu ay qabsadeen deegaano cusub,wuxuuna  ku eedeeyey Xuutiyiinta iney hubka ku kaydsanayaan shacabka dhexdiisa.

Axmed AL-Casiiri ayaa ku goodiyey iney cagta marinayaan kooxda Xuutiyiinta dalka Yaman oo la wareegtay inta badan maamulka dalka Yaman,Madaxweynihii Yaman Cabdul Rabi Hadi Mansoor ayaa dalka ka cararay kadib markii Xuutiyiinta ay kaga daba tageen magaalada Koonfurta ee Cadan oo uu mudooyinkii u danbeeyey xarun u ahayd.

Idale News Online, Cadan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here