Xulalka Brazil iyo Columbia oo wareega 8aad Ciyaaraha Aduunka isku soo beegmay

0
236

Xulka Colombia ayaa ciyaar cajiib ah soo badhigay, iyagoo wareega 16-ka ka reebay xulka Uruguay oo horay koobka aduunka ugu guuleystay labo jeer, markii ay uga badiyeen 2-0, iyadoo wiilasha yar yar ee Colombia ay soo bandhigeen ciyaar aad loo jecleystay.

James Rodriguez ayaa ahaa xidigii Colombia guusha gacanta u geliyay, markii daqiiqadii 28aad ee qeybtii hore uu u dhaliyay xulkiisa gool aad u qurux badnaa, kaasoo lagu tilmaamay mid ka mid ah goolashii ugu awanaagsanaa ee laga dhaliyay Koobka aduunka ee Brazil.

worldcup

Rodriguez ayaa kubad uu xabadka saarta oo meel goolka u jirta 25yard ka toogtay, iyadoo inta birta sare uga dhacdo ay shabaqa gashay, waxaana goolhaye Muselera uusan fursad u helin inuu kubadaas bad baadiyo.

Ciyaaryahanada Colombia ayaa ahaa kuwo aad uga fir fircoonaa ciyaartoyda Uruguay oo u badnaa kuwo da’a ah, sidaas ay tahay wiilasha yar yar ee Colombia waxay u qalmeen guusha ay gaareen.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa mar kale James Rodriguez uu dhaliyay goolkii labaad, kaasoo ahaa goolkiisa shanaad ee Tartanka Koobka aduunka oo uu kaga sara maray ciyaaryahanada Messi, Neymar iyo Muller oo min afar gool dhaliyay.

Colombia ayaa 2-0 ku garaacday Uruguay, iyadoo u gudubtay wareega 8-da, waxaana ay isku beegmeen xulka marti gelinaya Koobka ee Brazil oo si dirqi ah rigoorayaal 3-2 ugaga badiyay Chile, markii ay isla dhaafi waayeen 1-1

Idale News Online