Talyaaniga ayaa sheegay in ay bad-baadiyeen tahriibayaal gaaraya 896 qof, kuwaasoo doonayay in ay ka soo talaabaan badda Medataraaniyanka.

0
277

Xukuumadda Talyaaniga ayaa sheegtay in ciidamadooda badda ay bad-baadiyeen 24kii saac ee la soo dhaafay tahriibayaal tiradoodu dhan tahay 896, kuwaasoo doonayay in ay dhinaca badda ugu soo gudbaan dalkaasi Talyaaniga.

Hadal ay soo saareen ciidamada badda ee Talyaaniga ayaa lagu sheegay in saddex ka mid ah maraakiibtooda iyo laba markab oo ilaalo ka ah xeebaha Talyaaniga ay soo samata bixiyeen tahriibayaasha, isla markaana ay u soo qaadeen jaziiradda Sisiiliya, halkaasoo lagu xaqiijinayo wadamada ay u kala dhasheen soo galootigaasi ka yimid dhinaca Afrika.

Xisbiga xiriirka Waqooyi ee midigta ah ee Talyaaniga, kana hor jeeda soo galootiga ayaa ku baaqay in soo galootigaasi loo celiyo meelihii ay ka yimaadeen.

Wasiirka arimaha gudaha Talyaaniga Anjaliino Alfaano ayaa ugu baaqay Midowga Yurub in ay gacan ka siiyaan sidii loo xakamayn lahaa tahriibayaasha ku soo qul-qulaya dalka Talyaaniga.

tahriibka

W/D: Ustaad Yaxye Maxamed Macallin.

Idale News Online.