Muqdisho: Maxkamada Ciidanka Qalabka sida Dowlada Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah waxa ay ku riday nin la sheegay in uu katirsan yahay xarakada Al-Shabaab, kaa oo dilay Sargaal katirsanaa Ciidanka Xooga Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa sheegay in Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ay u fariisatay dacwad ciqaabeed loo heesto gacan ku dhiigle Maxamed Isaaq Cabdi Cumar oo lagu eedeeyay in uu dil u geestay Ex G/dhexe Xuseen Cumar Hilowle Mooja Mooja.
Liibaan Cali Yarow ayaa tilmaamay in Maxamed Isaaq Cabdi uu katirsan yahay Xarakada Al-Shabaab , waxa uuna sheegay in si barer ah labo xabadood ugu dhuftay Ex G/dhexe Xuseen Cumar taariikhdu marka ay aheed 27/10/2013″ Gudoomiyaha Maxkmada Ciidanka Qalabka sida ayaa sheegay in Ninka manta xukunka dilka ah lagu riday uu qaadan karo racfaan , waxa uuna intaa raaciyay in Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ay horyaalaan kiisas badan oo dacwado ah.
Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukuno dilal ah waxa ay ku fulisay ciidamo katirsan Dowlada iyo rag katirsan Al-Shabaab oo lagu eedeeyay in ay dilal u geesteen ciidamo iyo dad shacab ah.
Idale News Online, Muqdisho.