Xoogaga Afkaartooda Fogaatey Ee Al shabab oo Cunaqabatayn saaray Shacabka Gobolka Gedo.

0
188

Mas’uul katirsan Ururka Ahlu Sunna ayaa u sheegay Warbaahinta in Kooxda Al shabaab ay Jidgooyo u dhigteen Gaadiidka Cuntada & Shidaalka u sida Degmooyin ku yaalla Gobolka Gedo.

Teaser Image Dhageyso: Al shabab oo “Cunaqabatayn” saaray Shacabka Gobolka GedoSheekh Maxa’ed Xuseen (Al Qaadi) , oo kamid ah Ahlu Sunna ayaa u sheegay Radio Kulmiye ee Muqdisho in Al shabab ay Isbaarooyin lagu Dhibaateeyo Shacabka ay dhigteen Wadooyinka oo dhan, si Baabuurta sida Alaabta Ganacsiga aysan u galin Goobaha ay Ciidamada DFS& Alu Sunna  joogaan.

“Mar hore waxa ay joogi jireen Al shabaab Degmada Baardheere oo kaliya, balse waxa ay dhowaan billaabeen in ay Tuulooyinka oo dhan ay Isbaaro dhigtaan, iyagoo doonaya in ay jaraan Isku socodka Gaadiidka & Dadweynaha,” ayuu yiri Al Qaadi.

Sheekh Maxa’ed Xuseen  (Al Qaadi ), ayaa sheegay in dhowaan Al shabaab ay Gaari Xamuul ah ku gubeen  DeegaankaTuulada-Barwaaqo, kaasi oo Timir & Raashiin kale u siday Shacabka Sooman ee ku nool Magaalada Garbahaarey, xarunta Gobolka Gedo.

Waxaan samaynay (Ahlu Sunna) Howlgallo ballaaran oo aan kaga sifeynay Mooriyaan Diimeedka (Al shabaab) Wadooyin dhowr ah, waxaana ku guulaysanay inaan qaado Jidgooyo tiilay Tuulo-Barwaaqo, mar hadii uu billowday Howlgalka laga harayo Kooxda illaa aan ka saarano Degmada ay ku harsan yihiin ee Baardheere,” ayuu yiri Mas’uulkan u hadlay Ahlu Sunna.

Wuxuu tilmaamay in Ciidamada Dowladda Federaalka & kuwa Ahlu Sunna ay u diyaargaroobeen Dagaal  uu ugu magacdaray Ciribtirka & dib u xureynta Al shabab, kaasi oo Ujeedkiisu yahay in ay dhamaan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Soomaaliya noqdaan kuwa Shacabka ay iyagu Aayahooda ka tashan karaan, sida uu hadalka u dhigay.

Idale News Online, Gedo.