Muqdisho(INO)-Iyadoo 24-saac ay ka soo wareegatay markii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid la laabtay Xukuumadii uu soo dhisay 12-kii bishan, isla markaana Baarlamaanka uu u ogolaaday waqtiga cusub ee uu qabsaday inuu ku soo dhisi doono Gole Wasiiro tayo leh ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ra’iisul Wasaaruhu damacsan yahay in qaar ka mid ah saaxiibada Madaxweynaha ee u badan Xukuumaddii la diiday ee muranka badan ka dhashay inuusan dib u soo celin doonin.
Warar ay heleyso Simbanews.com ayaa sheegaya in tallaabada uu qaadayo Ra’iisul Wasaaraha ay tahay mid uu kalsooni uga raadsanayo Baarlamaanka, si uu meesha uga saaro Wasiirada qaar ee la diidan yahay, kuwaasoo loo tarinayo inay sabab u ahaayeen khilaafyadii lagu riday Labadii Xukuumadood.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato labada kudladood ee Baarlamaanka ay magacawdeen, si uu qorshaha uu damacsan yahay ugu gudbiyo, kuwaasoo ah labo aragti midkood inuu qaadan doono.
Aragtida koowaad ayaa ah inuu soo dhiso doono Gole Wasiiro oo wajiyo cusub ah, ayna ka maqan yihiin dhamaan Wasiiradii hore, si meesha looga saaro muran iyo khilaaf dambe, waxaana uu aragtidan la wadaagi doonaa Xildhibaanada labada dhinac.
Sidoo kale aragtida labaad ayaa ah in Ra’iisul Wasaaruhu labada dhinac ee Xildhibaanada la galo heshiis ah in xubnaha uu soo dhisi doono uu ka keenayo labada dhinac ee Baarlamaanka, kana soo xuli doono tiro wasiiro ah, waxaana tani ay u badan tahay inay dhaliso muran, waayo Wasiiradaas waxaa laga yaabaa inay soo galaan xubno qaar ah kuwa la diidanaa.
Wal walka beesha Caalamka ayaa ahaa soo laabashada xubnihii geed fadhiga u ahaa khilaafyadii ragaadiyay Labadii xukuumadood ee Ra’iisul Wasaarayaashii hore C/wali Sheekh Axmed iyo Cabdi Faarax Shirdoon ee aakhirkii meesha laga saaray, waxayna taas keentay in xubnaha wakiilada beesha caalamka ka gaabsadaan taageerada Xukuumadii uu dhowaan soo dhisay Cumar Cabdirashiid.
Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu maraya imtixaankiisa koowaad, waxaana la doonayaa inuu ku xisaabtamo waqtiga uu heysto iyo awooda uu dastuurka u siinayo soo xulida Golihiisa Wasiirada mudada 14-ka cisho ee uu fursada u heysto inuu kaga soo baaraan dego Gole wasiiro oo isku dheeli tiran.
Lama oga qaabka ay yeelan doonto xukuumaddiisa cusub, waxaanee laga dhowrayo inuu ku soo dhiso labo todobaad gudahood, waxaana mar walba dhici kara in mucaarado uu la kulmo.
Idale News Online, Muqdisho.