Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Nabil El Araby oo booqasho ku imaanaaya Magaalada Muqdisho.

0
221

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho , kadib markii Magaalada Cairo uu kaga qeybgalay shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed wareegiisa 141-aad , kaasoo laga soo saaray war murtiyeed lagu qeexay taageerada carbeed ee amni ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya iyo hanaanka ay wax ku wado dowladda Federaalka Soomaaliya.

H.E. Mahad Mohamed Salad oo shir jaraa’id ku qabtay qeybta VIP ee garoonka diyaaradaha Muqdisho , ayaa waxa uu sheegay in Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda wadama carbeed oo looga hadlay arrimaha wadamada Soomaaliya , Palestine, Syria ,South Sudan iyo qodobo kale , looguna gogol xaarayay shir madaxeedka carbeed Wareegiisa 25-aad oo ka socon doona Caasimadda Kuwait maalmaha 25-26 March, uu hordhigay ajande ah in wadamada Carabta ay taageero maaliyadeed iyo mid milatari u fidiyaan Nabil-ElarabyXukuumadda Federaalka Soomaaliya , laguna gacan siiyo dagaalka ay kula jirto kooxda nabad diidka ah oo dalka iyo dadka dhibaato ku haaya .

 

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa xusay in shirkaasi laga soo saaray go’aan taageero loogu muujiyay dowladda Federaalka Soomaaliya , laguna dhaleeceeyay falalka argagaxiso ee lagu dhibaateeyo shacabka , ciidamada dowladda iyo xoogga nabad ilaalinta AMISOM, waxaanu yiri “ waxaan ka codsaday wadamada carabta inay nagu gacan siiyaan dib u dhiska dalka , qalabeynta iyo tababarida ciidamada kala duwan ee ammaanka”.

H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa waxa uu yiri “Intii shirkaasi uu socday , waxaan la kulmay Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Dr. Nabil El Araby oo aan ku cazuumay inuu booqasho ku yimaado Caasimadda Muqdisho , waxa uuna balan – qaaday in Soomaaliya uu soo booqan doono dhammaadka bisha nagu soo fool leh ee April”.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxaa kale oo uu faah faahiyay kulankii uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Nabil Fahmy , oo uu sheegay inuu uga war- bixiyay xaaladda Soomaaliya, sidoo kalana ay ka wada hadleen xoojinta Xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar , wax wada qabsiga labada shacab, iyo in Soomaaliya ay ka caawiyaan dhinacyada Waxbarashada , Caafimaadka , tababarida shaqaalaha kala duwan ee dowladda iyo taageerida Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga , waxa ayna balan-qaadeen inay u soo diri doonaan Soomaaliya khubaro qiimeysa , waxna ka qabata arrimahaasi.

H.E. Mahad Mohamed Salad , ayaa waxa uu sheegay inuu kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq Hoshyar Zebari , kagana mahad celiyay kaalmada maaliyadeed ee ay u fidiyeen Soomaaliya , waxa ayna balan qaadeen inay ku cazuumi doonaan Magaalada Baghdad madaxda qaranka ee dalka.

Wasiir kuxigeenku , waxa kale oo kulamo kala gaar gaar ah la kala yeeshay Ra’iisul wasaare kuxigeenka koowaad ahna Wasiirka Arrimaha dibadda Kuwait Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Bahrain Ghanim bin Fadhl Al-Buainain, kalana hadlay taageerida dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qabashada shir lacag loogu uruurinayo Soomaaliya oo wadamada khaliijka carbeed gacan ka geysanayaan si wadanka dib loogu dhiso , iyadoo laga ambaqaadayo baaqii hore uga soo baxay Jaamacadda carabta ee arrinkaasi ku aadan , waxaana loo balamay in looga hadlo qaban-qaabinta shirkaasi inta uu socdo Shir madaxeedka carbeed ee dhowan ka furmaya wadanka Kuweit .

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa waxa uu tilmaamay in uu la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Masar , oo uu uga warbixiyay xaaladda dalka iyo horumada kala duwan ee dowladda ay xaqiijiyay , waxaanu yiri “ waxaan halkaas ku arkay dhalinyaro aqoonyahano ah oo dalka uu u baahan yahay aqoontooda , waxaan ka codsaday inay dalka dib ugu soo laabtaan , kana qeyb noqdaan hey’adaha kala duwan ee dowladda , si aqoontooda ay ugu adeegaan wadanka”.

Idale News ONLINE