Xogaga Mayalka Adag Ee Soomaalida Al-Shabaab oo hambalyo ka heshay Mucaaradka Dalka Eriterea.

0
176

Warbaahin ay leeyihiin Mucaaradka dalka Eritrea oo fadhigeeda dhexe ku yaallo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa Hambalyo Furan u soo diray Xarakadda Alshabaab oo dhawaan sheegay inay 30-Askari oo Ethiopian ah ku dileen Degmadda Rab-dhuuro.

Warbaahintaasi oo magaceeda loo soo koobo ESAT ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin Hawlgalkaasi, isla markaana ay bogaadinayaan Alshabaab.

Hadalka Mucaaradka Eritrea ayaa ku soo beegamay, iyadoo ay Hay’addaha Ammaanka ee Ethiopia sheegeen inay ka hortageen wax ay ugu yeereen Fal Is-qarxin oo ay Alshabaab ka geysan lahaayeen caasimadda dalkaasi ee Addis Abeba.

Dhinaca kale, Xeeldheerayaasha ayaa sheegay inay hambalyadda ay Mucaaradka Eritrea u soo direen Alshabaab muujinayso inuu xumaaday Xiriirka Alshabaab iyo Dowladda Eritrea ka dhexeeyey.

Warbixin ay Kooxda Caalamiga ee Kormeerka cunaqabataynta saaran hubka ee dalalka Somalia iyo Eritrea, waxay bishii November ee sannadkii 2011-dii soo daabacday Warbixin sheegaysay inay Dowladda Eritrea weli taageero siiyaan Alshabaab.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inay Dowladda Eritrea bil kasta Alshabaab siiyaan lacag dhan 800,000 oo Dollar.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya Warbixinta ay Kooxdaasi Calaamiga ku sheegtay inay Dowladda Eritrea iyo Alshabaab wada shaqeyn ka dhexeyso.

esat

 Idale News Online, Asmara, Eteria.