Sida La sheegey Madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa u Warqad cabasho ah u diray Xoghaynta IGAD iyo Madaxda Wadamada ee ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.
Warqadan ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Somalia ay ka cabanayso wada shaqayn la,an ka dhex jirta Ergayga gaarka ah ee Arimaha Somalia u qabilsan Urur Goboleedka IGAD Ambasador Maxamed Cabdi Afey (oo ka soo jeeda beesha xooga ku heysata magaalada Kismaayo ee ah OGAADEEN) iyo Dowlada Somalia.
Warqadan ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in Ambasador Afey uu ku dhex milmay Siyaasada Arimaha Gudaha Somalia iyo waliba kala fogeynta beelaha Somaliyeed.
Ugu danbeyn Warqadan ayaa waaa lagu yiri Dowlada Somalia waxaay Codsanaysaa in Urur Goboleedka IGAD ay badalan Ergayga gaarka ah ee Arimaha Somalia u qabilsan Urur Goboleedka IGAD Ambasador Maxamed Cabdi Afey waxana sido kale Dowlada Somalia oo ayadu xubin muhiim ah ka ah Urur Goboleedka IGAD ay codsatay in Shaqsiga cusub ee lo soo magacaabayo Somalia in uu san noqon Shaqsi jinsi ahaan ka soo jeeda Somali.
Warqadan ayaa waxaa la garsiiyay Xafiiska Urur Goboleedka IGAD u ku leeyahay Magaalada Jabuuti ee Wadanka Jabuuti Sido kale waa si gooni gooni ah Copy ka mid ah Warqadaasi logu diray Xafisyada Madaxweyneyaasha UGANDA,JABUTI,KENYA,SUDAN, SOUTH SUDAN, iyo Xafiiska Raisalwasaraha Itobiya.
Idale News Online, Addis- Abab.