XOG Hoose: Maamulka KMG Ee Jubba Axmed Madoobe Ee Oo Khilaaf Xoogan Uu Soo Kala Dhexgalay Islamrkaana U kala Jabay Labo Qeyb.

0
211

Dhammaadkii sanadkii 2012 ayay la wareegeen Malayshiyaadkii Raaskambooni oo markii danbe isku badalay Maamulka Jubbaland iyo Ciidamadda Millateriga Kenya kaddib dhawr sano oo ciidamadda Al-shabaab ay gacanta ku hayeen Kismaayo. Ciidamada isgarabsanaya ayaa gaaray Magaalada Kismaayo oo aysan ka dhicin gudaheeda dagaalo toos ah, waxaana xiligaas waxii ka danbeeyay soo baxayay hadalo kala duwan oo ku aadan kadib qabashada Kismaayo waxa dhici doona.

Wixii ka danbeyay xilgaas waxaa soo baxay Khilaafaad siyaasadeed oo salka ku haya cida dhanka siyaasada ka hagayso Jubbooyinka iyadoo sanadkii 2013 bilowgiisii halkaas looga dhawaaqay maamullo is feer-yaaca oo mid waliba oo gacan ka helayo dawladdo shisheeye iyo dad dano gaar ah leh.

Xiisada Kismaayo ayaa labadii todobaad ugu danbeysay ahayd (Xarig lama sitaan) waayo meel waxaa kasocday muranka  Siyaasada ee u dhexeeya dhinacyada Barre Hiiraale oo doonaya inay awood Ciidan kusoo galaa Kismaayo,  dhan kalana waxaa soo baxay khilaaf u dhexeeya hoggaanka maamulka KMG ah ee Jubba, gaar ahaan, Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Jeneral C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Wasiirka Arrimaha gudaha Jubba, Jeneral Darwiish, waxaana khilaafaadkaasi ay salka ku hayaan arrimo siyaasadeed oo labada dhinac kala tabanayaan.

Darwiish imika wuxuu ku suganyahay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaasi wuxuu u joogaa khilaaf u dhexeeya isaga iyo Axmed Madobe kaddib markii ay beesha Darwiish iskaga  baxday Kismaayo, sidoo kale waxaa jira Khilaaf kale oo u dhexeeya Macalin Maxamed Ibrahim iyo Sheekh Madoobe oo salka ku haya dhaqaalaha dakada Kismaayo kasoo xarooda oo la sheegaya labada dhinac inay isku qabsadeen maamulkiisa.

Dhinaca kale waxa sii yaraanaysa rajada Jeneral Fartaag ee la xiriirta inuu Kismaayo ku laabto kaddib markii uu dhawaan gobolka Gedo tagay, waxaana warar hoose oo helnay sheegayan in Fartaag iyo Axmed Madoobe aysan isku wanaagsanayn tan iyo markii uu Kismaayo tagay C/weli.

axmed-garoowe

Idale News Online, Kismaayo.