Xisbiga ugu weyn mucaaradka dalka Kenya ee ODM loo soo gaabiyo ayaa sheegay inay doonayaan sidii ciidanka Kenya looga soo saari lahaa dalka Soomaaliya gaar ahaan Kismaayo, ODM oo uu madax u yahay Ra’isul wasaarihii hore ee dalka Kenya ee Raila Odinka ayaa ka dalbaday Madaxweyne Kanyatta inuu ciidankooda ka soo saaro gebi ahaanba Soomaliya, maadaama aysan muuqan wax faa’iido ah oo ugu jira dal ahaan.
Xisbigan ayaa hadalkooda ku sheegay in markii ay ciidanka Kenya galeen Soomaaliya oo sii kordhay weerarada laga fulinayo dalkooda ee ay geysanayaan Al-shabaab, sidoo kalena aysan muuqan waxqabad ay arrintaasi ka tari karaan ciidanka ka jooga Kismaayo, waxaana lagu yiri war uu xisbiga soo saaray “Ciidankeena Kismaayo jooga waxaan ka dalbanay madaxweyne Kenyatta inuu dib ugu soo celiyo xuduudeena, taas ayaana dan ugu jirtaa dowladnimada Kenya”.
Xisbigan oo kuraas badan ku leh Baarlamaanka Kenya ayaa hadda wada mooshin ka dhan ah ciidanka ka jooga dalkooda Soomaaliya, waxaase ay sheegeen in kasoo bixitaankooda Soomaaliya uusan noqon doonin mid magac dil iyaga ku ah islamarkaana aan magac siineyn kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab, ugu dambeyntii ciidanka Kenya ayey uga digeyn inay ku dhex milmaan siyaasadaha iska soo horjeeda ee Soomaaliya ka jirta, gaar ahaan midda Jubbooyinka, taas oo haddaba ay muuqato eedaynta loo jeedinayo dowladda Kenya sida ay ula kala safteen.
Dowladda uu hogaamiyo Kenyatta ayaan weli arrintan ka jawaabin, waxaana sidoo kale ka hadlin dalabkan ka soo yeeray ODM xisbiga talada dalka haya ee uu hogaamiyo Adan Barre Ducaale kaas oo beryahan ay ku furantahay dood uga imaaneysa xubnaha kale ee xisbigaasi kuna dalbanaya inuu xilka guddoomiyenimo ee xisbiga ka dego.
Idale News Online, Kenya.