Xisbiga Midnimo-Qaran oo War-murtiyeed ka soo saaray dhibaatada ka taagan dalka iyo sida looga bixi.

0
213

Muqdisho: War-murtiyeed maanta ka soo baxay xisbiga midnimo Qaran ee uu hogaamiyo Dr. C/raxmaan Baadiyow ayaa waxaa looga hadlay waxqabadkii xisbigaas mudadii uu jiray iyo aragtida xisbigaas ee ku aadan sababaha keenay dhibaatada ka dalka iyo sida ugu haboon ee looga bixi karo, waxaaa martiyeedka ka soo baxay xisbigaas uu u qornaa sidatan:-

War-murtiyeed

Xisbiga Midnimo-Qaran (XMQ) waxaa asaaska loo dhigay 12-ka bisha November 2012, hawlihii abaabulka oo soo socday intii muddadaas ka danbeysay waxaa maanta oo ah 26 bisha Feberaayo si rasmi ah ugu soo bandhigeynaa bulshada Somaaliyeed.

Asaasayaasha XMQ waxey wada rumeysanyihiin in dhibka ugu weyn ee Somaaliya soo gaaray ay sabab u tahay kali-talisnimo iyo qaanuun-jebin, loogana bixi karo dhibkaas hadii bulshda laga raro siyaasadda qabiileysan, loona raro nidaam qaran ee dimoqraadi ah oo ku imaan kara xisbiyada badan iyo dawlad-wanaagga.

Sidaas darteed, waxaa XMQ go’aansaday inuu u halgamo dhisidda bulsho dimoqraadi ah oo fursadaha helitaanka hantida iyo awoodaha usimanyihiin muwaadiniintu, dhawreysana dhaqanka soo-yaalka ah iyo qiyamka Islaamka.

Si loo xaqiijiyo himilooyinka kor ku xusan, waxaa lala socodsiineynaa shacbiga Somaaliyeed inaan bilaawnay dhismaha xisbi siyaasadeed mudnaanta koobaad ka dhiganaya midnimada, nabadda iyo hormarka isla markaasna hormuud u noqonaya dib-uheshiisiinta bulshada Somaaliyeed. Sameynta xisbigaan waxey waafaqsantahay qodobka 16aad iyo qodobka 22aad (a) ee Dastuurka KMG, waxaana la waafajin doonaa qaanuunka diiwaangelinta xisbiyada marka la sameeyo.

XMQ waa xisbi siyaasadeed wadani ah, loogu talagalay inuu isbedel dhab ahna ku sameyo dhaqan siyaasadeedka ka jira dalka.

Xisbigu ma aha mid shaqsi furtay, leedahay koox gaar ah, looguna tala-galay in lagu gaaro dana gaaban. Waxaa xubinimadiisa ufurantahay qof kasta oo ku qanca ujeedooyinkiisa iyo aragtidiisa, soona buuxiya shuruudaha kale ee xubinimada.

Laamaha Xisbiga waxaa laga furidoonaa dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Arimaha Xisbiga waxaad kala socon kartaa webka hoos ku qoran.

Dr. Cabdiraxman Macalin Cabdullahi (Baadiyow)
Gudoomiyaha XMQ.

baadiyow

Idale news Online, Muqdisho