Kismaayo(INO)-Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Xildhibaan Maxamed IIdle ayaa bilaabay dhaq dhaaqaaq ay ku doonayaan inay kula taliyaan Odayaasha iyo maamulka jubba marka la eego dhamaystirka baarlamaanka uu yeelan doono maamulkaas marka la eego dhismaha baarlamaanka Maamulka Jubba.
Sidooo kale Xildhibaanadu waxay u howlgeli doonaan ka talabixinta si ay kalsooni ku jirto dadka dega goboladaas ugu wacya geliyaan is lays xushmeeyo iyadoo la eegayo degaanada dadka wada degga in haboon ay wax u wada qaybsadaan.
Xildhibaanadaan ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka waxaa ay kala yihiin Maxamed Iidle Geedi (Xerow),Maxamed Cali Dhuux iyo Maxamed Sheekh Aadan Hiiraale.
Si kastaba Talaabada ay mudanayaashaan qaadayaan ayaa ku soo aadeysa xili lagu howlan yahay sidii loo soo dhisi lahaa baarlamaanka Maamulka Jubba.
Idale News Online, Kismaayo.