Xildhibaano ka tirsan BF Somalia oo gaaray Baydhabo.

0
161

Baydhaba:Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa maanta gaaray xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kuwaasoo la sheegay in ay taageersan yihiin shirka ka socda Baydhabo ee la doonayo in maamul loogu dhiso saddex gobol .

Xildhibaannada oo tiradooda lagu sheegay siddeed ayaa ujeeddada socdaalkooda ku sheegay sidii ay uga qeyb-gali lahaayeen shirka maamulka loogu dhisayo gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, sida uu Bar-kulan u sheegay xildhibaan Mustaf Mukhtaar Guudow.

Rag siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda gobollada Baay iyo Bakool ayaa xildhibaannada ku wehliyay safarka ay ku tageen magaalada Baydhabo.

Dhowaan ayaa lagu wadaa in la soo gunaanado shirka maamul u sameynta saddexda gobol.Shir kale oo la doonayo in maamul loogu dhiso lix gobol ayaa isna ka socda magaalada Baydhabo.

wafuudKismaayo1

Idale News Online, Baydhaba.