Xildhibaan”Haddii Daacish ay disho qof Soomaali ah waxaa sababtaas iska leh madaxweyne Xasan Sheekh”

0
226

Muqdisho(INO)-Xildhibaan C/llahi Maxamed oo kamid ah mudanayaasha BF Somalia, ayaa ka jawaabay hadal uu Madaxweyne Xassan Sheekh ka shaaciyay warbaahin dibada iyo kuwa maxaliga ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu aad ugu qaldan yahay wararka la xiriira Daacish ee ahaa inay la dagaalami doonaan, waxa uuna Tilmaamay in Madaxweynaha uu maaro u la’ yahay Maleeshiyaadka Alshabaab islamarkaana uu qalad u arko inuu faragaliyo arrimo aan khuseen Somalia.

Waxa uu tilmaamay in hadalkaasi uu Khatar u keeni karo Muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku nool dalalka Ciraaq, Syria iyo Libya, waxa uuna carabka ku dhuftay in hadii ay dhacdo in Daacish ay waxyeeleeyaan Muwaadin Soomaali ah uu diyadiisu bixin doono Madaxweyne Xassan.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in Muwaadiniinta laga gowracay dalka Ethiopia ay iyaduba si faah-faahsan weli uga hadal, islamarkaana ay nasiib daro tahay in Somalia oo daciif ah uu usoo jiido in Daacish ay faragalin kusoo sameeyso.

Geesta kale, waxa uu Madaxweynaha uga digay inuu kusii fogaado arrimaha la xiriira Argagixisada ka baxsan kuwa dalka ka dagaalama ee Alshabaab, wuxuuna ku taliyay in Siyaasada DF ay ku ekaato wixii ku saabsan xiriirkeeda oo kaliya si looga badbaado khatar hor leh oo Somalia kaga imaado Alqaacida.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here