Golaha illaalinta Shuruucda iyo Haybada Baarlamanka oo ah Xildhibaanada kaso horjeeda Mooshinka ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha ayaa shir Saxaafadeed ay ku qabteen magaalada Muqdisho ku sheegay inay ka go’an tahay Badbaadinta Qaranimada Soomaaliya,ayna marna ogolaalayn in Koox gaar ah ay afduubato Siyaasada iyo Dawladnimada dalka.
Hadalkan ayay ka sheegen ka dib kulan ay ku yeeshen magaalada Muqdisho ee xarunta Gobolka Banaadir.
Xildhibaan Cabdibare Yuusuf Jibriil oo akhriyay Warsaxaafadeedka kaso baxay Xildhibaanada tiradoodu ay ka badan tahay 120 ayaa Warsaxaafadeedkiisa ku bilaabay:
‘’…Markaan aragnay sida kalsoonida Soomaaliya iyo tii-beelweynta Caalamka ay u luntay,markii Koox aan la dooran ay ku tagrifashay ahmiyadii iyo Awooda dalka,markii ay noso baxday ifafaalo boobka hantida iyo Marooqsiga awooda Kooxda saldhiga ka dhigtaya Madaxtooyada Qaranka,waxaan u aragnaa dadaalka aan wadno oo aan kaga soo horjeedno boobka,awooda iyo hantida inuu yahay fursada ugu haboon oo lagu horjoogsan karo Cawaaqib xumo laga dhaxlo,oo Mas’uuliyadeeda ay qaadayaan cidii abaabushay’’.