Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan waxa ay ku leeyihiin xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ku sugan inta badan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.
Goor dhaw ayaa xildhibaanada waxaa loo qeybiyay ajandeha kulanka baarlamaanka ee maanta waxaana ajendaha uu yahay Laba Qodob oo kala ah.
1- Horkeenista Xukuumada Cusub ee golaha Baarlamanka
2- Xukuumadda in ay soo bandhigto Barnaamijkeeda shaqo
Kulankaan ayaa furmi doona daqiiqadaha nagu soo wajahan, waxaana la filayaa in halkaasi uu gaaro Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.