Muqdisho ( INO)-Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay uga doodeen Hindiso Sharciyeed ku aadan Xuquuqda Siyaasiyiinta xilalka ka soo qabtay dowladda Soomaaliya.
Mudanayaasha Baarlamaanka oo dood kulul ka yeeshay sharcigaasi ayaa waxa ay tilmaameen in hindise sharciyeedkaan uu uu xuquuq siinayo kaliya Masuuliyiin gaar ah oo dowladda Federaalka Somaaliya ka tirsan gaar ahaan 3-da Masuul ee ugu sareysa dalka.
Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Fadhaye oo ka hadlayay kulanka ayaa sheegay in haddii aan daalac loo raacan Masuuliyiinta xuquuqdooda loo doodayo ay nasiib leeyihiin maadaama sida uu hadalka u dhigay hantidii qaranka ee ay masuulka ka ahaayeen isdaba mareeyeen, si gaar ahana u isticmaaleen.
Dhinaciisa Xildhibaan Xiis Muuse Cowl oo isna ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Hindiso Sharciyeedkaan dib loo celiyo maadaama ay isku koobeen shaqsiyaad gaar ah sida uu yiri.
Dooda oo sii socotay ayaa waxaa isna Makarafoonka qabsaday Xildhibaan Boqorre oo ku dooday in caruurtiisa iyagoo u adeegaya Qaranka Soomaaliyeed la dilay aan wax xuquuq illaa hadda laga siinin sidaas daraadeed ay tahay wax lala yaabo dad nool nool iyadoo daruufahaan uu ku jiro dalka in marka ay xilalka ka dagaan ay abaabulaan Mashruuc Maslaxadooda ay ka dhex arkeen.
Ugu dambeyn Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in sharcigaan oo dood xasaasi ah dhaliyay dib loogu laabto wax ka bedelna lagu soo sameeyo.
Xafiiska Wararka Idale News Online, Baydhabo