Muqdisho(INO)-Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Tallaado ah waxaa lagu wadaa in loo qaybiyo Mooshinka laga soo gudbiyay Xukuumadda Soomaaliya, xilli uu horay u iclaamiyay in maanta la qaybinaayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Fadhi Xubnaha Baarlamaanka ay maanta ku yeelanayaan Golaha shacabka ayaa lagu qaybin doonaa Mooshinka, waxaana Xildhibaanada sida sharciga ah mooshinkaasi ay soo aqrisan doonaan muddo ku siman shan cisho.
Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhawaan sheegay in nidaamkii iyo kala dambeyntii Baarlamaanka uu lahaa lasoo celiyay oo fadhiyada Baarlamaanka si nabad ah ku qabsoomi doonaan.
Xildhibaanada buuqa ka waday xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa dhankooda waxa ay horay u sheegeen inay joojiyeen buuqii ayna ogol yihiin in cod ay ku difaacaan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Dadka Soomaaliyeed iyo caalamka ayaa indhaha ku eegaya xaalada Baarlamaanka ee maanta iyo waxa dhici doona, maadaama kulamadii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka ay kusoo dhamaadeen buuq iyo qeylo.
Maalinta Sabtida oo ay Bisha tahay 06-11-2014 ayaa qorshaha uu yahay in codka kalsoonida loo qaado Xukuumadda Soomaaliya oo ay meesha ka baxdo ama kalsoonida Baarlamaanka ay hesho.
Idale News Online, Muqdisho