Waxaaa goor dhowayd magaalada Muqdisho gaar ahaan jidka Maka al-Mukarama lagu dilay Xildhibaan Saado Cali Warsame oo kamid ahayd xildhibaanada barlamaanka dowladd federalka Soomaaliya.
Dilka xildhibaan Saado Cali aaya sida wararku sheegayaan waxaa ka dambeeyay kooxo hubaysan oo watay gaari nuuca Soomaalidu u taqaano Cabdi Bille waxaana ay rasaas ku fureen xildhibaanada iyo qof kamid ahaa shaqaalaha barlamaanka oo la socday, iyadoo kadibna ay goobta isaga baxsadeen raggii falkaan ka dambeeyay
Waa Xildhibaankii 6aad ee lagu dilo magaalada Muqdisho muddo ka yar hal sano, waxaa isla bishaan la dilay Xildhibaan Xayd oo isugu lagu dilay meel aan sidaas ugu fogeyn xarunta Madaxtooyada. Sidoo kale xildhibaan Faysal, Xildhibaan C/casiis Afar Indood, Xildhibaan Shariif Riinow ayaa iyagu sidoo kale aan dilkooda cid loo soo qabtey aanan jirin.
Idale News Online.