Xildhibaan Xuseen C/Salaam oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho

0
230

Waxaa goor dambe oo maanta magaalada Muqdisho ee xarunta u ah dalka Soomaaliya dabley hubeysan ay ku toogteen Xildhibaan Xuseen Cabdisalam oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda mid ka mid ah beelaha Waqooyi Galbeed Somalia gaar ahaan Beesha Isaaq, Waxaana la xaqiijinayaa in kooxdii dilka xildhibaanka geystay ka baxsadeen goobta.

Xildhibaanka ayaa lagu magacaabayay Xuseen Cabdisalaan ayaa noqdey xildhibaan dowladihii kmg  ee ahaa C/qaasim Salaad Xasan, Tii Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo dowladii kmg ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxuuna xildhibaanka maanta la dilay dhiganayay Jaamacada Muqdisho xarunteeda Buulo Xuubeey, weerarka ayaa dhacay wax yar ka dib markii uu jaamacada ka soo baxay.Wararka ayaa intaa ku daraya in markii rasaasta lagu dhiftay Xildhibaanka loola cararay Isbitaalka, hase ahaatee intii aanu gaarin uu geeriyooday, waxaana haatan Meydkiisa la dhigay qolka Meydka ee Isbitaal Madiina.

dilqorsheysan

Alle ha u naxariiste Xildhibaankan ayaa lagu dilay wadada Laamiga ah ee Buulo Xuubay xilli uu ka soo baxay Jaamacad ku taala nawaaxigaasi oo uu wax ka baran jirey,waxaana la sheegaya in kooxda dilka fulisay ay wateen gaari nooca raaxada ah isla markaasna ay ka baxsadeen meesha ay dilka ka geysteen.

Ugu dambeyntii ciidamada amaanka dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa halkaasi soo gaaray balse kuma guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan kooxda dilka fulisay oo la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakada Alshabab ee dagaalka kula jirta dawlada federaalka ah & ciidamada Amisom ee farisiimaha ku leh magaalada Muqdisho.

Idale News Online