Xildhibaan Xoosh Jibriil: “Ciidamada dowladda waa ciidamo beeleed”.

0
187

Wasiirkii hore ee Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in ciidamada dowladda ee hadda jira aysan ahayn ciidamo qaran ee ay yihiin ciidamo beeleed.

Xildhibaan Xoosh Jibriil ayaa sidoo kale sheegay  ama Ku tilmaamey  Madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay caqabada hortaagan in soomaliya ay ka gudubto dhibaatooyinka jira.

Xoosh Jibriil ayaa ugu baaqan Xasan Sheekh in uu kala doorto in uu noqdo hogaamiye Qaran iyo hogaamiye urur.

hadalka Xildhibaan Xoosh Jibriil ayaa imaanaya iyadoo maleeshiyada dowladda ee loogu yeero ciidamada dowladda ay dil iyo barakicin ka wadaan gobolka Sh.Hoose gaar ahaan degmada Jannaale oo ay ku dileen dad rayid ah.

Ciidamada dowladda ee hadda jira ayaa ah maleeshiyo beeleed ka soo jeeda beesha Hawiye, kuwaas oo hubkii iyo hantidii bulshada caalamka ugu deeqday dowladda u adeegsada in ay dhulka kale ee beelaha soomaliyeed ay xoog ku qaataan, dadkii deganaana uga barakiciyaan, laakiin waaa arin ay soomalida dhan ka warqabto oo aan socon doonin.

xooshVsYuusuf

Idale News Online, Muqdisho.