Weerar ismiidaamin ah, ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay aafafka hore ee Hotel Maka Al-mukarama, xilli galabta uu ka dhacay weerar fashilmay oo ismiidaamin ahaa.
Warar kala duwan, ayaa waxay ka soo baxayaan sida uu u dhacay weerarkaan ismiidaaminta ah, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in uu geystay nin xirnaa jaakada ka sameysan walxaha qarxa.
Warar kalana waxay sheegayaan in lagu fuliyay weerarkaan gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, oo uu saarnaa hal nin, kaasoo la sheegay in uu ku dhuftay irida hore ee Hotelka laga galo.
Mid kamid ah dadka ku dhaqan Wadada Dabka, ayaa waxa uu sheegay in ay arkayeen gaari la soo dhigay agagaaraha Hotel, markii dambena uu si iskiis ah uu u qarxay.
Weerarkaan, ayaa wuxuu sababay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh, oo u badan dadkii maqaaxida ku dhex taala Hotelka, ka cunteeya.
Gaadiidka gurmadka deg degga, ayaa halkaasi ka daad gureynaaya dadkii ku waxyeeloobay weerarka ismiidaaminta ah.
Gaadiidka dab damiska ee Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa iyana la sheegay in ay halkaasi ku sii jeedaan.
Xildhibaan Sooyaan Cabdi Warsame Isxaaq oo kamid ah mudanayaasha Soomaaliya (kana soo jeeda beesha DIR, uuna dhalay siyaasi Dowladii Maxamed Siyaad ku jirey oo la oran jirey Cabdi Warsame Isaaq) ayaa la sheegayaa in uu kamid noqday dad wax ku noqday qarax ka dhacay irida hore ee hoteelka Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.
Inkasta oo aan wali la xaqiijin sida wax ugaareen xildhibaanka ayaa hadana dad goob-joogayaal ah waxa ay sheegeen in halkaasi looga qaaday gawaarida gurmadka deg-degga ah.
Ilo wareedyo ku sugan isbitaalka Madiino ayaa waxa sheegayaan in dhaawaca XIldhibaanka la geeyay halkaasi si loola tacaalo xaaladiisa caafimaad.
Wali ma jirto cid sheegatay weerarka caawa lagu qaaday Hoteeelka ee Wariyaha iyo xildhibaanku ku dhaawacmeen.
Aagga uu weerarku ka dhacay, ayaa sidoo kale waxaa weli laga maqlayaa rasaas ay ridayaan Ciidanka Dowladda, oo ay kaga hortagayaan dadka halkaasi ku qul qulaaya.
Idale News Online