Madaxweynaha Maamulka KG Somalia Madoobe Nuunow Max’ed iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta sida aadka u taageersan dhismaha dowlad goboleedka lixda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa digniin u diray xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isugu la filaayo in maalinta berito ah gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Gudoomiyihii hore ee gobolka Bay Geeseey oo saxaafada la hadlaayey ayaa ka digay imaanshaha shariifka ee degmada Baydhabo waxuuna isagoo hadlaayo yiri: “Shariif ha soo dhaafin magaalada Muqdisho haddii kale ceeb iyo sharaf daro ayaad kala kulmeysaa magaalada Baydhabo”. C/fataax Geeseey oo hadalkiisa sii wada ayaa sidoo kale yiri “Haddii aad ka madax adeegto digniinteena oo aad Baydhabo soo gaarto iskuna deydo inaad reer KG kala qeybiso, cid ku difaaceysa ma jirto dhexda ayaana lagaa kala go’aynaa” waa sida uu hadalka u yiri.
Talaabada xildhibaan Shariif Xasan uu sheegay inuu ku tagaayo magaalada Baydhabo ayaa waxay ku soo aadeysaa iyadoo dhowaan qaar ka mid ahaa masuuliyiintii maamulka gobolka Bay sida Shiimo Macalin Nuuroow iyo Sandheere Max’ed Iftiin oo iyagu qeybta ka ahaa shirka Hotel Bakiin sheegeen inay ka baxeen shirka maamul u sameynta 3da gobol ee ka socday hotel Bakiin haatana ay ku biireen maamulka lixda gobol ee Madaxweyne Nuunoow.
Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aadan oo dadka Soomaaliyeed ku tilmaamaan inuu yahay siyaasi galaangal badan, waqtigaan xaadirka ahna haysta taageerada dowlada madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, qaar ka tirsan xildhibaanada Digil & Mirifle ee Barlamaanka DFS iyo weliba taageerada dalalka deriska ee iyagu taageersan maamulka kmg ah ee Jubba ayaan la ogeyn tagistiisa Baydhabo waxa ay soo kordhin doono.
Si kastaba ha ahaatee, Magaalada Baydhabo waa haatan ka dhisan maamul hoostaga Madoobe Nuunoow Max’ed kaasoo haysta taageerada inta badan dadka ka soo jeeda lixda gobol ee KG Somalia iyo dhamaan odayaasha Dhaqanka Beelaha D&M oo iyagu soo dhisay dowlada DFS. waxayna dadka deegaanada lixda gobol ee taageersan dowlad goboleedka KG Somalia eegayaan talaabada uu maamulka Madoobe Nuunoow Max’ed ka qaado wafdiga xildhibaan Shariif Xasan oo iyagu aan marnaba la gamban rabitaankooda ku aadan dhismaha maamul seddex gobol ah in loo dhiso gobolada Bay, Bakook, iyo Shabeelaha Hoose.
Idale News Online. Mogadishu.