Ayadoo maamulo isdiidan looga wada dhawaaqay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa maanta arintaasi laga sameeyay xalkii ugu danbeyse waxaana goor dhow lagu aqoon saday maamulka sadaxda gobolka tasoo kadhacday xarunta Villa somaliya kana qeyb galay madaxda Soomaaliya iyo Mida caalamka kuna sugan soomaaliya.
ka Dib Heshiika ayaa Godoomiyihii Hore Ee Baarlamaka Soomaliya Md Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa Yiri.
” Heshiiskii maanta kadhacay Villa Soomaaliya waxaa uu ahaa mid guul iyo hormar u horseedi doono Dowlada Federalka iyo dhaman Umada Soomaaliyeed, waxaana goob joog ka ahaa safiirada beesha calamka kuwa urur goboleedyada, dhaman masuliyiinta ugu sareysa dalka iyo garabyadii uu khilaafka udhaxeeyey waxaana goan lagu gaarey cidii ka hor timaada in si wada jir ah loola dagaalami doono” Ayuu Yiri Xildhibaan Shariif Xasan.