Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya ayaa waxay si kulul udhaliishay qaabka shaqo ee wasiirada qaar Xukuumada Cabdi Weli Shiikh Axmed iyadoo sheegtay inay yihiin kuwo sharciga dalka ku xad gudbay.
Waxay sheegtay Xildhibaan Sareedo inay codsanayaan Baarlamaanka inay horyimaadaan mid mid wasiirada Xukuumada Somaliya si bay tiri ay ula xisaabtamaan kii ay u arkaan inuu ku xad gudbay sharcigana isla goobta lagu rido.
Waxay Xildhibaan Sareedo hadalkeeda intaa ku dartay inay og tahay wasiiro heshiisyo dadka Somaliyeed iyo dalka cawaaqib xumo uhorseedi kara inay galayaan taasi hadaan laga hortegina ay sheegtay inay xildhibaanada marka dambe maxkamadaha laga wici doono.
Idale News Online.