Xildhibaan Md Xoosh Jibriil: “Xildhibaanadii Dalbaday In Madaxweynaha Is-casilo Waa La Kala Jabiyay”

0
203

Wasiirkii hore ee Dastuurka Dowladii KMG ahayd  iyo dib u heshiisiinta hadana  ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya Cabdiraxmaan xoosh Jibriil, ayaa ka hadlay in xildhibaanadii kal hore ka codsaday madaxweyne Xassan Shiekh maxamuud iscasilaada ay kala jabeen.

Xildhibaanka ayaa yiri “Sababta keentay in xildhibaannadan la kala jabiyo waa musuq maasuq, waayo dal faqri ah ayaa la joogaa, qof walbana wuu qaadanayaa lacagtii la siiyo, waana taas tan caqabada ugu weyn ku ah in howl walba ay sidii loogu talogalay ku meel marto,” . laakiin Xildhibaanka ayaa ku adkeeystay inay jiraan qaar weli ku adkaysanaya in Madaxweyne Xasan shiekh iscasilo.

Xildhibaan Xoosh jibriil ayaa sidoo kale xaqiijiyey in weli uu jiro khilaaf u dhexeeya madaxda sare ee Dowladda. Waxaana xildhibaanku yiri “Khilaafaadka u dhexeeya madaxda dowladda waa kuwo muhiim ah, waayo waxaa baaramaanka loo sameeyay waa inuu dowladda la xisaabtamo, taasina waa mid uu ku jiro caafimaadka dowladda,”.

Hadaba, waxaa hadalka xildhibaankan uu ku soo aadayaa iyadoo beryahaan madaxweyne Xasan Sheekh uu la kulmayey xildhibaanada barlamaanka, khilaafna kala dhaxeeyo Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh.

xooshVsYuusuf

Idale News Online, Muqdisho.