Xildhibaan Dalxa “Saraakiisha ammaanka taleefoonadaba dadka kama qabtaan, maxaa amni lagala shaqeeya”

0
182

Muqdisho(INO)- Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa ka hadlay sababta keentay Bulshada Somaliyed inay kalsooni daro ku qabaan masuuliyiinta ka shaqeysa dhanka ammaanka Muqdisho.

Dalxa waxa uu sheegay Saraakiisha qaabilsan dhanka ammaanka Magaalada Muqdisho inay isagala weyn yihiin shacabka masuuliyada ay u hayaan oo aysan siinin tixgelin badan.

Waxa uu sheegay Saraakiisha dhanka ammaanka inaysan taleefoonada ka qaban dadka la soo xiriiriya, taasina ay keentay kalsoonidaro weyn oo Bulshada ay ka qaaday.

“Shacabku dad ay ku kalsoon yihiin waa iney arkaan, dad aan taleefanada xitaa ka qabaneynin oo haddii la yiraahdo la shaqeeya iyaga iskala weyn ma wada shaqeyn karaan, shacabka dad dhex geli kara, shaah la cabi kara oo la qadeyn kara, la qadi kara, la quudan kara ayay isku aamini karaaan talana kala dhaxayn kartaa, haddii aad Ugandhis aamintid qof waliba iyaga ugama hortagi kartid, anagoo dawladdii ka tirsan oo xildhibaanno ah ayaa waxaa laga yaabaa wax adiga ku khuseeya oo xaaladda guudna qeyb ka noqon karta in telefoon meeshii aad u dirto uuba kaa qaban waayo, waa in la helaa xal si wadashaqeyntu u noqoto mid dhab ah.” Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Saraakiisha ammaanka Dowladda oo inta badan aanan soo dhexgalin qaybaha kala duwan ee Bulshada dhexdooda, ayaa xilliyada aad uga baahato inaad kala xiriirto arimaha dhanka ammaanka ah ay adag tahay sidii aad ku heli laheyd.

Xaalada ammaanka Magaalada Muqdisho oo aanan wanaagsaneyn ayaa asal waxa ay u tahay wada shaqeyn la’aanta Bulshada iyo laamaha ammaanka Dowladda.

Muddooyinkii dambe Shabaabka ayaa sii laba jibaaray howlgalada ay ka fulinayaan Magaalada Muqdisho ee qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ah.