[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/05/weerarkiiBarlamaanka.mp3|autostart=yes]
Cumar maxamed Maxamuud (Cumar Finish) iyo xildhibaano kale ayaa lagu soo wareya inay dhaawac ka soogaareen qaraxii iyo weerarkii maanta lagu qaaday xaruunta baarlamaanka soomaaliya.
Cumar finis ayaa ku sugnaa Al baaabka qaraxu ka dhacay uuna haleelay Qaraxa koowaad ayadoo Adkeed in loo gurmado oo dhaawacyada laga qado goobta maadaama ay rasaas Xoogani dhaceysay
Waxaa jira xildhibaano kale oo ku dhaawacay qaraxa iyo is rasaaseenta ka dhacay xarunta golaha shacabka inkastoo aan la ogeyn magacyada xildhibaanada kale.
Xaalada ayaa wali kacsan waxaana socda Israsaaseyn Culus oo u dhaxeysa Ilaalada Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya iyo Kooxihii lagu tuhsanaa Ururka Al Shabaab.
Dhanka kale waxaa durba weerarka sheegtey kooxda shabaab waxaana sheikh cali Dheere oo Reuters la hadlay uu sheegay in Weerarkaas ay ka Fuliyeen xarunta baarlamaanka uu Geestay Khasaare Badan oo soo gaaray Xildhibaanada isla markaana uu ahaa Weerar ay ku isagoona sheegay in wixii faafaahin ah dib ka sheegi doonaan.
Idale News Online.