Muqdisho(INO)-Wasiirkii hore ee amniga iyo arimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, hadana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay xariga Dowladda Soomaaliya ay u geysatay Saraakiil ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya.
Xildhibaan C/Samad ayaa sheegay in Saraakiisha la xiray qaarkood aqoon fiican uu u leeyahay ayna isla soo shaqeeyeen, isaga oo qiray in Saraakiishaasi dalka Soomaaliya ay u qabteen wax badan oo shaqooyin ah.
Waxa uu sheegay in hadii xubnahaasi iminka xiran uu shaki soo galay muhiim ay tahay in cadeymo loo helo waxyaabaha lagu tuhmaayo, balse mar waliba ay wanaagsan tahay in cadaalada la eego.
“Aniga Saraakiisha la xir-xirey aad ogama warqabo, laakiin sida aan wararka ku helaayo , waxaan u maleynayaa in saraakiisha la xir-xirey ay shaqo badan dalka u hayeen, wax badana qabteen, qaarkood aqoon baan u leeyahay oo waan la shaqayn jirey, shaqo badan ayay soo qabteen, balse haddii hadda tuhun soo galay , koleey iyo koleey wixii soo galay caddayn beey u baahan tahay.” Ayuu yiri Xildhibaanka.
Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, ayaa sidoo kale sheegay in wax macno ah aysan sameyneyn in Dowladda Soomaaliya ay tallaabo qaado marka uu qarax dhaco, balse waxa macnaha sameynaayo ay tahay ka hor qaraxa inta uusan dhicin in la helo xogo dhanka ammaanka ah.
“Marka ay wax dhacaan oo kaliya in dadka lasoo xir-xiro macno sameyn meyso, waxaa macno samaynaya inta aanan wax dhicin in laga hortago falalka, ciidamada Sirdoonka in ay soo gudbiyaan xogaha waaye waa dhacdaa in mar kasta dadka la xir-xiro marka ay wax dhacaan, kadibna lasoo siidaayo marka wax lagu waayo.” Ayuu intaasi ku daray hadalkiisa Xildhibaan C/samad.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa u xiran saraakiil iyo Askar gaaraya ilaa 11-ruux, kuwaasi oo ku jira xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana Dowladda ay sheegtay in dhawaan maxkamad lasoo taagi doono xubnahaasi.
Idale News Online, Muqdisho.