Xildhibaan Cabdilaahi Cumar Abshirow oo Sheegey Inay Difaacayaan shacabka Gobolka Shabellaha Hoose.

0
259

Xildhibaan C/laahi Cumar Abshirow oo kamid ahaa Xildhibaano kulan looga hadlayay dagaalada Shabeelaha Hoose ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu wax ka qaban waayay dagaalka Shabeelaha Hoose sheegayna inay difaaci doonaan shacabka ku dhaqan gobolkaasi.

Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxda ugu sareysa ee dalka looga baahan yahay inay wax ka qabtaan dagaalada muddada dheer ka dhacaya gobolka Shabeelaha Hoose oo u dhaxeeyo dhinacyo daga gobolka Shabeelaha Hoose.

Xildhibaan Abshirow ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya haddii ay wax ka qabanweyso arimahaasi ay ka keeni doonaan mooshin ka dhan ah Madaxweynaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in iminka mooshin kale Baarlamaanka uu ka yaal.

Shabeelaha Hoose waxaa ka dhacay dagaal dhanka qabaa’ilka ku saleysan kaasi oo sababay in dad badan ay ku barakacaan dagaaladaasi, iyadoo labada dhinac qasaaro nafeed uu kasoo gaaray dagaalkaasi.

xildhaan-abshiroow
Idale News Online Muqdisho. naga Soo Xariir Email : Idalenewsonlinegmail.com