Xaalada Magaalada Gaalkacyo oo saaka dagan iyo ciidamada oo wali aan la kala qaadin

0
241

Gaalkacyo-( INO )-Waxaa saakay degan xaaladda guud ee Magaalada Gaalkacyo, inkastoo ay shacabka reer Gaalkacyo dareen ka muujinayaan in markale uu dagaal ka dhaco Magaalada.

Xalay illaa saakay, ayaan wax rasaas ihi laga maqal Xarunta Gobolka Mudug, waxaana socoto dadaalo lagu doonaayo in lagu kala qaado Ciidamada Galmudug & Puntland, oo weli isku hor fadhiya goobihii lagu dagaalamay.

Suxufiyiinta Magaalada Gaalkacyo, ayaa soo sheegaaya in hakad guud uu ku jiro dhaq dhaqaaqii dadka, gaadiidka iyo ganacsiga. Ganacsatadu waxay ka feejigan yihiin dagaalo hor leh oo ka dhaca Gaalkacyo.

Wefdiga Ra’iisal Wasaare Sharmaarke iyo Madaxda Maamulada Jubbland & Koonfur Galbeed, ayaa waxay xalay la kulmeen Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug, iyagoona ku adkeeyay dhaqangelinta heshiiskii Gaalkacyo.

Waxaa maanta suurtagal ah in la kala qaado Ciidamada Puntland & Galmudug, si loo xoojiyo taageerada ay shacabka u hayaan heshiiskii, ay labada dhinac ku wada gaareen Garoonka Gaalkacyo.

Dagaalkii shalay, ayaa waxaa ku dhimatay in ka badan 15 ruux, halka 30 kalana ay ku dhaawacantay. Dadka ay waxyeeladu soo gaartay waxay u badan yihiin shacab.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here