WhatsApp ayaa markii ugu horeysay ku daraysa adeegeeda isticmaalkeeda fariimaha codka ah markii ugu horeysay.
Shirkadda WhatsApp oo toddobaadkii hore ay iibsatay Facebook ayaa toddobaadyo gudaheed waxa ay adeeggan cusub ku bilaabaysaa macaamiisheeda taleefanada gacan qaadka.
CEO Jan Koum ayaa sheegay in adeegga fariimaha codka ay ku bilaabayaan Android iyo iPhones gugan, iyadoo shirkadaha Blackberry, Microsoft and Nokia ay iyaguna waqti aan la cayimin ku soo biiri doonaan barnaamijkan fariimaha codka la isugu diro iyadoo la isticmaalayo WhatsApp.
Arbacadii aynu ka soo gudubnay, ayaa Facebook waxa ay kula wareegtay WhatsApp lacag gaareysa $19 billion, heshiis noqday kii ugu weynaa ee shirkadaha adeegga shabakadaha sida Google,Microsoft ama Apple.
Isticmaalka WhatsApp ayaa gaartay in ka badan 450 malyan oo ruux adduunka oo idil bil walba.
Koum oo ka mid ah aasaasayaasha WhatsApp ayaa ku adkeystay in aysan jirin wax naqshado ah oo lagu soo darayo suuqgeynta adeegyada ay fuliyaan.
‘Ma jiro isbedel la qorsheeyay oo lagu sameynayao adeegga WhatsApp,’ayuu yiri Koum. ‘Aragtideena iyo fikirkeenu waa isku dhinac. Waxaan wada doonaynaa in dunida ay isku xirnaato.’
Facebook ayaa u bixinaysa $12 billion si aan lacag caddaan ah ahayn halka ay $4 billion oo kaash ahna siinayso aasaasayaasha WhatsApp. Koum iyo Brian Acton, shaqaalahooda oo gaaraya 55 ruux ayaa iyagana la siinayaa $3 billion oo aan lacag caddaan ah ahayn muddo afar sano.
WhatsApp oo aan si weyn looga aqoonin Maraykanka ayaa waxa ay caan ku tahay dalalka kale ee caalamka gaar ahaan Yurub iyo wadamada soo koraya.
Adeegga WhatsApp ayaa waxaa bil walba isticmaasha 465 million bil walba halka 330 malyan ay maalin walba isticmaalaan. Halka adeegga Twitterka ay gaarayaan dadka isticmaala illaa iyo 241 million.
Facebook CEO Mark Zuckerberg ayaa sheegay in adeegga WhatsApp uu hayo wadadii uu ku gaari lahaa illaa hal billion oo ruux.
Marka ay si wadajir ah WhatsApp iyo Facebook isugu xirmaan waxa badan doona dadka dunida ee isticmaala,’ayuu yiri Zuckerberg.
Idale News Online Wararka TECH.