Baydhabo Janaay(INO)- Wafdi Xildhibaano ah oo ka tagay Magaalada Muqdisho ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhaba ee Caasimada Koonfur Galbeed.
Xildhibaanadan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka tirsan ayaa waxaa hogaaminaya Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe, waxaana Magaalada Baydhaba kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Maamulka Gobolka Bay.
Ujeedada Booqashada Xildhibaanadan ayaa lagu sheegay inay tahay siday u heshiisiin lahaayeen Maamulada 3da Gobol iyo 6da Gobol oo kala hogaaminayaan Shariif Xasan& Madoobe Nuunow.
Ugu Dambeyntii, Xildhibaanadan ayaa horey ugula heshiiyay Madaxweyne Shariif Xasan inuu marka hore afgarto iyaga ka dibna ay geed dheer iyo mid gaaban u kori doonaan siday ula heshiisiin lahaayeen garabka kasoo horjeeda ee uu hogaaminayo Madoobe Nuunow Maxamed.