Wararka nasoo gaarayo, ayaa sheegaya in Habeennimadii xalay weerar lagu qaaday dhalinyaro Goob ganacsi ku laheed xaafada Gubta Ee Degmada deyniile.
Goobta ganacsi ee la weeraray ayaa eheed Goob farmashiye ah waxa aana ku sugnaa sedex dhalinyaro ah.
Kooxaha weerarka soo qaaday ayaa tiraradooda lagu sheegay ilaaya 4ruux waxa aana Rasaas Goobta ku geeriyooday Hal ruux halka labada kalana ay dhaawacmeen oo loola cararay isbitaalka deyniile
Waxaana Goobta ka baxsaday Kooxihii weerarka soo qaaday lanama oga sababta weerarkaan ka danbeeso
Dadka deegaanka ayaa soo warinaayo in ay xaafada ad ku kacsantahay ayna soo gaareen ciidamo ad u fara badan oo ka tirsan Dowlada soomaaliya howlgal ayee xaafadada uu dilka ka dhacay ka bilaaween lama ogo dadka lagu soo qab qabtay
Weerarkaan Xalay lagu qaaday dhalinyaradaan Goobta ganacsi ku laheed xafaada deyniile ayaa qeyb ka noqoneyso amni darada muqdisho.
Idale News Muqdisho