Weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyay qoftii hure ah oo watay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa goor dhow ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Saldhiga Booliska ee waqooyiga Galkacyo.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa gil gilay qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo bartilmaameedka weerarka uu ahaa Taliye kuxigeenka Booliska Puntland Jen. Muxiyadiin Axmed Aw-muuse, oo maalmahan ku sugnaa Galkacyo.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay, iyadoo Taliye kuxigeenka uu saarnaa mid ka mid ah gawaarida ciidamada, isla markaana ka soo baxayay xarunta Saldhiga.
Taliye kuxigeenka ayaa lagu soo waramayaa inuu dhaawac soo gaaray, waxaana wararka intaa ku darayaan in dad badan oo ku dhaawacmay weerarkan loo qaaday Cisbitaalka Galkacyo.
Ilaa iyo hada ma cada qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka ismiidaaminta, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Xaalada magaalada ayaa ah mid kacsan, iyadoo rasaas laga maqlayo, inta badan goobaha ganacsiga iyo Iskuulada ayaa la xiray.
Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay weerarka ismiidaaminta oo ah kii u horeeyay ee gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo lagu weeraro Saldhig Ciidan oo ku yaala Waqooyiga Galkacyo, halkaasoo ah qeybta Puntland ay maamusho.
Laakiin weerar uu fuliyay qof naftii hure ah ayaa sanadkii hore waxaa uu ku qaaday Hoy uu Koofurta Galkacyo ka degenaa Jen. Cabdi Qeybdiid oo xilligaas Galkacyo u joogay howlo nabadeyn.
Qaraxan ismiidaaminta ee ka dhacay Waqooyiga Galkacyo ayaa ku soo aadaya, iyadoo deegaanada Puntland ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo banaan baxyo looga soo horjeedo muddo kororsiga Madaxweyne Faroole.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.
Idale News Muqdisho