Baydhabo(INO)-Waxgaradka, Beesha Hubeer oo ku nool Daafaha Aaduunka ayaa waxay tacsiyo tiiraayo leh ay soo gaarsiyeen, shabakada warbaahinta Idale News Online, Taaso ku wajahan Guud Ahaan Shacabkii Shaley Lagu xasuuqey Degmada Baydhabo, gaar ahaan waxay tacsiyo Si Gaar Ah ay u diriyeen Eheladii iyo Qaraabadii uu Ku geeriyoodey Wariye Cabdi Qaadir Axmed Mayow (Maynod).
Wariye Maynod Ayaa Waxa Uu Ahaa Wakiilka TV Somalichanell Ee Gobolada Koonfur Galbeed soomaaliye isla markaana Wuxuu kale u shaqeeynayey, Radio Sky FM Ee Magaalada Muqdisho.
Odayaal, siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Dhalanyaro Ka Soo jeeda Beesha Hubeer Ayaa si weyn u Cambaareyeen Xasuuqaasi Loo Geystey Shacab Aan wax galabsan isla markaana waxay ku baaqeen in La Sugo Amaanka Magaalada Baydhabo Janaay.
Waxay Alle Ugu Baryeen Inuu Geeyo Janadiisa Firdowsa, dadkii ku dhintey, Magaalada Baydhabo, kuwii Ka Dambeyn Ee Falka Soo Maleegeyna Cadaalad La Keeno.
Beeshu, Waxay, sidoo Kale ay u rajeyneysa, Dadkii Ku dhaawacmey Qaraxii shaley, inuu Alle Siyo Caafimaad Ah isla markaana, waxay Maamulka Gobolka Bay Ee dowlada Soomaaliya Ku Dhaliilshey, Habacsanaan ta Ka Jirta Magaalada Baydhabo, iyadoona Magaaladaasi Ay sugan Yihiin Ergoyinkii Dhisey Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Ee 3da Gobol.
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun
Idale News Online, Baydhabo