Baydhaba:Kulankiii maanta ka dhacay xarunta shirka dhismaha dowlad goboleedka koonfur -galbeed ayaa uu gudiga steering committeega ama gudiga hagaya shirka waxay soo bandhigeen qorshaha ergooyinka iyo tirada lagarabo.
Gudoomiyaha gudiga Maxamuud Sayid Aadan oo shirka ka hadlay ayaa tilmaamay in tirada ergooyinka ay noqondoondo 1005-kun iyo shan kuwaasoo laga kala keenayo degmooyinka lixda gobol iyo qurbajoogta Soomaaliyeed ee kasoojeeda Koonfurgalbeed oo lasiinayo 100 xubnood sidoo kale wuxuu sheegay in maalinta Sabtida ay qaybin doonaan qodobada Dastuurka lagu dhaqayo dowlad goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya.
Dhhinaca kale, baydhabo maantana waxaa gaarey wafdi ka kooban 30 xubnood oo ka socday Qaramada midoobay ay kulamo la qaateen ayna kaga hadleen xaalada shirka iyo meesha uu marayo.
Dhanka kale, waxaa shirka kusoo bandhigay heeso iyo madadaalo wadaniyadeed kooxda fanaaniinta Arlaadi oo uu ka dhex muuqdo fanaanka weyn ee Mustafa Sheekh.
Shirka magaalada Baydhabo ayaa waxa uu marayaa heer dhamaad ah ayada oo ay wafuud kala gedisan kusoo qul qulayaan magaalada si ay uga qayb qaataan shirka.
Idale News Online, Baydhabo Janaay.