Kismaayo (INO)- Wasiiru dowlaha wasaarada warfaafinta dowlada federaalka Somalia Maxamuud Cabdi Xasan (Beekoos) oo ku sugan magaalada Kismaayo kana mid ah wafdigii balaarnaa ee xukuumada iyo barlamaanka ee Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid hogaaminaayey ayaa idaacada VOA tafaasiil ka siiyey qodobada heshiiska iyo sida loo fulinaayo.
Wasiirka ayaa sheegay in todobo qodob la isku afgartay oo ay ugu horeysay cabashada beelaha Soomaaliyeed ee deegaanka ee ku aadan maamulka Jubba, iyo arrimo kale oo ku saabsan deeqaha waxbarashada, midda caalamiga, sidii maamul goboleedyada dalka loo waafajint lahaa dastuurka dalka, iyo is-dhafka ciidamada Soomaalida
Wasiiru dowlaha Warfaafinta Beekoos ayaa sheegay in xukuumada ahaan ay ka go’an tahay fulinta heshiiskaan, sidoo kalena Maamulka Jubba laga doonaaayo in uu qodobadaas lagu heshiiyo meel mariyo lana shaqeeyo guddiga ay dowlada arrimahaas u saari doonto dhowaan.
“Mooshinka Xildhibaanada weli waa jiraa, xukuumada ayaana codsatey in waqti la siiyo si ay waxa uga qabato cabashooyinka jira. Haddii xukuumada ku guuleysato xalinta cabashooyinka dadka deegaankana Mooshinka meesha waa ka baxaaya, haddiise ay wax ka qaban weysana Mooshinka wadadii loogu talo galey ayuu marayaa”. ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaarada warfaafinta Soomaaliya.
Ma ahan markii ugu horeysey ee maamulada dalka ka jira iyo dowlada dhexe ay isku afgartaan heshiisyo, hase ahaatee fulinta heshiisyada la galo ayaa ah kula aan waxba laga soo qaadin. lana arki doone halka ay xaalada cakiran ee Jubooyinka ay ku soo idlaadaan.
Xafiiska Warqabadka,
Idale News Online, Kismaayo