Wafdi uu horkacayo wasiirka Arimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta gaaray Kismaayo.Wafdiga waxay ka kooban yahay dhowr xubnood oo kala wasiirka arimaha gudaha Cbadikariin Xuseen Guuleed iyo 4 ilaaladiisa ah, wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Cabdiraxmaan dheere, la taliyaha Ra’iisul wasaaraha Cirro.
Wafdiga ayaa markii ay kasoo dageen garoonka Kismaayo loo gudbiyay xarunta madaxtooyada Kismaayo oo la filayo in caawa ay u hoydaan.
Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa waxaa ugu muhiimsan in wasiirku maamulka Jubba ku qanciyo ka qeyb-galka shirka Muqdisho.
Galabta ilaa caawa ayaa la filayaa in labada dhinac si qoto dheer uga wada xaajoodaan shirka Muqdisho.
Wixii kasoo baxa kulamadaas waan dib ayaan kasoo tabin doonaa hadii Allah idmo
Idale News Online