Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia oo jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeeray wasiirka gudaha Somaliland oo ah in Somalia ay caqabad ku tahay Nabadgelyada Somaliland

0
190

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Mas’uuliyiinta Somaliland oo ku aadan in dowladda Federaalka ay carqalad ku heyso nabadgelyada maamulka Somaliland.

C/kariin Guuleed ayaa sheegay in wax lala yaabo tahay hadalka ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Waran-Cadde, isagoo tilmaamay in hadalkaas uu caqabad ku yahay wada hadaladii labada dhinac iyo is fahamkii ay gaareen.

“Runtii aad iyo aad baan ula yaabnay haddaan anahay dowlada Soomaaliyeed hadalkaas ka soo yeeray mas’uulkaasi sare ee ka tirsan maamulka Somaliland, maxaa yeelay dowlada Soomaaliyeed mas’uuliyaddeeda guud ahaanba waxey tahay sidii dadka Soomaaliyeed ay nabad gelyo iyo xasilooni ugu soo dabbaali laheyd waajibka naguna waa in aan ka shaqeyno sidii loo sii hormarin lahaa nabadgelyada ka jirta deegaannada xasiloon ee maamullada Somaliland iyo Puntland”ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiir Guuleed ayaa si cad ugu sheegay maamulka Somaliland iyo shacabkooda in aanay dowladda marnaba caqabad ku aheyd nabada Somaliland, isagoo ugu hambalyeeyay guulaha dhinaca ammaanka ee ay gaareen sida uu yiri.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in wada hadalada u dhaxeeya labada dhinac ay marayaan heer aad u wanaagsan, isagoo tilmaamay in heshiiskii ay gaareen uu dhigayay in la joojiyo wax kasta oo wax u dhimi kara wada hadalada.

“Waxaa ka codsanayaa walaalaha reer Somaliland inay ka waantoobaan hadaladan oo kale oo aysan ku habooneyn walaalnimada, heshiiskii iyo wada hadalkii horay u dhacay wuxuu dhigayay in wax kasta oo wax u dhimi kara inaan la soo hadal qaadin”ayuu yiri Wasiir Guuleed.

wasiirka-arimaha-gudaha

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalialnd Cali Waran-Cadde ayaa hadal uu jeediyay maalin ka hor waxaa uu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh inay caqabad ku yihiin nabada Somaliland, isla markaana ay doonayaan inay ka abuuraan fowdo siyaasadeed.

Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxaa bisha soo socota lagu wadaa in wajigii labaad wada hadalada labada dhinac uu ku dhex maro dalka Turkiga, kadib markii uu baaqday wada hadaladii lagu waday in horaanta bishan November uu qabsoomo, balse cudur daar ka yimid dowladda Soomaaliya dib loogu dhigay bisha December.