Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Wasiirka Difaaca dalka, wuxuu sheegay in ciidamada ku sugan Gobalada dalka Soomaaliya ay yihiin kuwa Gobol Gobol uqeybsamay, balse aan udhaqmin sidii ciidanqaran oo Dowladda hoostaga.
Wasiirka, ayaa sheegay in ciidanka marka la tababaro ay noqonayaan ciidan Gobol, isaga oo tusaale usoo qaatay in ciidanka Bakool loo tababaray ay yihiin reerBakool, kuwa Baydhabo loo tababaray ay yihiin Reer Baydhabo, kuwa Dhuusomareebna ay lamid yihiin kuwaasi oo kale.
Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa si cad usheegay in ciidanka Bakool jooga aan lagu amri karin inay kasoo tagaan oo ay Baydhabo, yimaada sababo jira awgeedna, taasina aan Wasaarada Gaashaandhiga kaliya aan lagu eedeyn karin sida uu sheegay.
Sidoo kale Wasiirka wuxuu cadeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan haysan dhaqaalo ku aadan in ciidanka loo kireeyo diyaarado oo Gobol gobol la isugu bedelo, taasi bedelkeedana ciidanka ay noqdeen ciidan Gobaleed.
Hadalkaan ayuu Wasiirka Difaaca dalka wuxuu ka sheegay Baarlamaanka hortiisa, xilli shalay kulan su’aalo lagu weydiinaye uu ka dhacay xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho.
Idale News Online.