Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Ee KGS Oo Gaarey Gobolka Shabellaha Hoose

0
238

Marka(INO)-Wararka aan ka heleyno gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in Shaley gelinkii dambe  degmada Lambar50  ay soo gaareen mas’uuliyiin uu hogaaminayo wasiirka beeraha iyo waraabka Dowlada  Koonfur Galbeed mudane Maxamed Xasan Fiqi iyo Suldaanka beesha Biimaal Suldan Ibraahim Suldaan Cali Suldaan Cabdiraxmaan.

FIQI

Safarka mas’uuliyiinta oo ahaa mid horey u qorsheysnaa ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanada ay booqanayaan diyaar garow balaaran oo ay sameynayaan dadka deegaanka maadaama mas’uuliyiintani yihiin kuwoo ka soo jeedo Sh/hoose.

dadka reer labar konton ayaa soo sheegayo in mas’uuliyiintan ay maalmaha soo socdo booqan doonaan deegaano dhowr ah oo ay ugu horeeyaan degmooyinka Marka, Jannaale iyo Shalambood ee Gobolka Sh/hoose.

Idale News Online, Marka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here