Wasiirka Arimaha Gudaha iyo taliyaha Booliska Dalka Kenya oo is casilaya

0
173

Nairobi(SNO)-Wakaaladaha iyo Wargeysyada Caalamka ayaa waxaa ay si aad ah u hadal hayaan  in maanta oo Bisha December ay 1 tahay  ay is casili doonaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Dowladda Kenya Joseph Ole Lenku iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Kenya Ninka lagu Magacaabo David Chimayo oo labadaba loo haysto in ay ku fashilmeen wax ka qabashada amaanka Dalka Kenya oo Faraha ka baxay.

Kenya

Wararka ay Warbaahinta Caalamku qoreyso ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta  uu Cadaadis badan saaray Labadaan Mas,uul isla markaana oo maalmahan Dambe aad Bulshada Kenya ay u hadal hayeen in Hay.adaha amaanku ay ku fashilmeen Wax ka qabashada Xaalada amni daro eek u sii kordheysa Dalka Kenya oo al Shabaab iyo kooxo kaleba ay geysanayaan Madaxweynaha ayaan Cadaadis badan kala kulmayay Shacabkiisa.

Ilo ku dhaw dhaw madaxweynaha Kenya Mr Kenyatta ayaa waxaa ay Warbaahin u sheegeen in Labnadaas Mas,uul hadda ay diyar u yihiin in ay Qirtaan guul daradooda oo is Casilaan isla markaana Madaxweynaha Kenya uu soo Magacaabo Mas,uuliyiin Cusub dhanka amaanka Waxaana Bulshada Kenyaanka ah ay hadal hayaan dhacdooyin naxdin badan oo ka dhacay Dhowr mar Gudaha Dalkooda Dowladda ayayna Cadaadis ku saarayaan in amaanka ay wax ka qabato.

Horay ayaa waxaa isku casilay Taliyihii Hore Ee Ciidanka Sirdoonka Dalka Kenya markii Al shbaab ay dhowr mar ay weeraro waa weyn oo ay ku laayen Dad badan oo kenyaan ah ay ka geesteen Gudaha Dalkaas Dhacdooyinkii ugu Xanuunka badnaa waxaa ka mid ahaa Weerarkii Westgate moll kii Degaanka Xeebta Ee laamu iyo Weerarkii dhawaan lagu laayay Dad gaari bas ah saarnaa oo marayay Duleedka gaarisa halkaa oo 28 ruux ay ku dhinteen inta la hubo.

Idale News Online, Nairobi, Kenya