Muqdisho(INO)- Wasiirka Wasaarada Amniga Gudaha Xukuumadda Somaliya C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay inay juhdi badan ku bixinayaan sidii loo sugi lahaa ammaanka Musharaxiinta ku sugan Magaalada Muqdisho.
Wasiir C/risaaq ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Somaliya uu sameeyay Guddi amni oo ka shaqeeya sidii Doorashada ay ugu dhici laheyd si nabadgelyo ah.
“Guddigaasi waa la sameeyay, Ra’iisul wasaaraha ayaa wareegto ku magacaabay aniga soo gubdin baan lahaa, wuxuu ka kooban yahay maamul goboleedyada oo dhan dad matala, ciidnaka Booliiska, Wasaaradaha amniga iyo Gudaha, hay’adda Nabad sugidda, waxaa kaloo qeyb ka ah AMISOM iyo UN, marka guddigaasi waa la sameeyay howshooda wey billaabeen weyna u socotaa, iyaga ayaana isku maqan.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in Doorashada 100% ay ku dhici doonto jawi nabadgelyo ah, islamarkaana qorshahaasi uu socdo.
“Waxaan aaminsanahay in 100% doorashada ay si ammaan ah ku dhicci karto haddii guddiga amniga keenaan qorshihii amniga lagu sugi lahaa, markii ay keenaan qorshahaas laguna dhaqmo waxaan aaminsanahay in doorashada sidii la rabay iyo si ka wanaagsan u dhici karto, 2012 dalka doorasho ayaa ka dhacday gaar ahaan Muqdisho, wax ka dhacay malahayn, 2016 oo meello kala duwan ka dhacayaan doorashada wey sii sahlanaan doontaan”
Guddiga Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha magacaabay ayaa wuxuu ku sheegay shaqadooda inay tahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen ammaanka Musharaxiinta, Ergooyinka iyo Odayaasha Dhaqanka.
“Guddigaan shaqadooda waxay tahay in la sugo amniga musharraxiinta, ergada imnaaneyso ee codeynaysa, in la suga goobaha doorashooyinka ka dhacayaan dadka ka shaqeynaya, intaas oo dhan waa ay jirtaa, dadka ugu muhiimsan ee aan rabno in amnigooda ka shaqeyno waa Musharraxiinta isa soo sharaxaysa”
Doorashada Somaliya ayaa loo diyaargaroobayaa dhawaan, iyadoo falal lidi ku ah dhanka ammaanka ay ka dhacayaan Magaalada Muqdisho.