Wasiirka Amniga oo beeniyay inuu u socdo Madaxweynaha Hiiraan & Shabellaha Dhexe

0
190
Muqdisho(INO)- Wasiirka Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa waxaa uu iska fogeeyay in uu xusulduub ugu jiro, sidii uu u noqon lahaa Madaxweynaha Maamulka Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe.

Warbaahinta gudaha qaybteeda, ayaa toddobaadkan baahisay warar la xiriira in Wasiirka Amniga Somaliya uu qorsheynayo, sidii uu isu casilo lahaa, si uu hogaanka ugu qabto Maamulka cusub ee dhawaan lagu wado in loo yegleelo Gobolada Shabellaha Dhexe & Hiiraan.

Wasiirka oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA, ayaa dacaayad ku tilmaamay wararka sheegaya in uu is casilayo, isagoo intaa ku daray inaanu danayn inuu noqdo Hogaanka Maamulkaasi.

“Waa dacaayad, waana been aan sal iyo raad toona lahayn inaan is casilayo. Musharax u taagan in uu qabto xilka madaxtinimo ee muumulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe-na ma ahi, mana danaynayo hadda, waa wax aan jirin oo xaqiiqda ka fog.” Ayuu yiri Wasiirku.

Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxaa uu caqabad badani ka haystaa, sidii ay u dardargelin laheyd Dhismaha Maamulka Labadaasi Gobol, sababo ku aadan bulshada deegaanka oo ku kala qaybsan.

Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan, ayaa iyagu ka biyo diiday inay taggaan Magaalada Jowhar, oo Villa Somalia ay sheegtay inay dhigtay gogoshii lagu soo askumi lahaa Maamulkaasi cusub.

Odayaasha, ayaa sharuud ku xiray Dhismaha Maamulkaasi, sida in gogosha la keeno Magaalada Baledweyne, in laba gobol loo qaybiyo Gobolka Hiiraan iyo in beelaha degga Gobolkaasi loo qabto shirweyne dib u heshiisiineed, ka hor inta aan la guda-gelin Dhismaha Maamulkaasi.