Wasiir Ka Tirsan KGS Oo Lagu Eedeeyay Hurinta Colaada Ka Aloosan G/Sh/Hoose

0
165

Marka (INO)—Wasiirka dib u heshiisiinta Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maxamuud Maxamed Caroole ayaa lagu eedeeyay in uu colaad ka dhex hurinayo beello walaalo ah oo wada daga Gobolka Shabellaha Hoose.

Wasiirka ayaa lagu eedeeyay in lacag badan uu ka soo qaaday Qaramada Midoobay uu  ku sheegay in uu ku dhex dhexaadinayo beelo daga Gobolkaasi balse taa badalkeeda uu u adeegsaday sida la tilmaamay in uu colaad ka dhex abuuri beelaha wada daga Gobolkaasi.

Wasiir Maxamuud Maxamed Caroole ayaa la shaaciyay in maalinta barito ah uu doonayo in siminaar uu dhalinyarada labada beelood ka soo jeeda ugu qabto Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka.

Mid ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Sh.Hoose oo la hadlay Warbaahinta  ayaa uga digay Dhalinyaradaasi ka qeyb galka Siminarka uu soo agaasimay Wasiirka dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu xusay in siminaarkan oo kale lagu qabtay Magaalada Marka, islamarkaana weerar lagu qaaday halkii uu ka dhacay, waxuuna intaasi ku daray in Siminaarka lagu qabanayo Muqdisho aanu waxba ka badalneyn kii ka dhacay Magaalada Marka.

Ugu dambeyntii, Inta badan Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ka dhaca Dagaal Beeleedyo geysta khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona Dagaaladaasi lagu eedeeyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.