Warbixin ay soo saartay waaxda arimha dibada dalka Marayknaka ayaa looga digay muwaadiniinta udhashay dalka mareykanka in ay usafraan dalka somaliya,sababo la xiriira walaac xaga amniga.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in bishii April 21 iyo 22 isla sanadkaan 2014 ay xarakada shabab ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan barlamanka dalka somaliya,sidoo kale isla bishii February waxaa ay weerar ismiidaamin ah ay ku qaadeen dhismaha madaxtooyada halkaasoo 16 ruux ay ku dhinteen,warbixinta ayaa waxaa ay ku dareysaa in 7 April labo kamid ah shaqaalaha QM in lagu shirqoolay garoonka Galkayo,sidaasi darteedana ay uga digayaan in muwaadiniintooda ay usafraan dalka dhaca geeska Africa ee somaliya.
Qoraalka waaxda arimha dibada dalka Marayknaka waxaa kale ka dhexmuuqtay in Burcad-baddeed Somalida ay bishii February 22-dii ee sannadkii 2011-kii afduubteen, isla markaana ay dileen Afar Muwaadin oo Maraykan ah oo dooni dalxiis ku marayey meel ka baxsan Xeebaha Somalia.
Hadalka ka soo baxay Waaxda Arrimaha dibedda ee dalka Mraaykanka, waxaa kaloo lagu xusay inaysan degganayn xaalladda amamanka ee Somalia, isla markaana ay weli jiraan afduubyo, qaraxyo, dilal iyo Dhaqdhaqaaqyo Argagixiso iyo Kooxo Hubeysan, waa sida lagu xusay Warbixinta.
Warbixinta ayaa sidoo kale daaha ka rogeysa inay ka fogaadaan Xeebaha Somalia, si aysan Burcad-baddeeda u soo weerarin Maraakiibtooda