Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ayaa Warbaahinta News u xaqiijiyay in dalka Sacuudiga uu si KMG ah u joojiyay dhoofsashada xoolaha Soomaaliya.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa waxaa uu intaa ku daray in sacuudiga ay sheegeen in xoolaha Soomaaliya laga helay xanuun badan isla markaana ay u hakiyeen ganacsiga si KMG ah.
Xiyiraadda Sacuudiga waxaa la filayaa in ay culeys u keento dhaqaalaha dalka iyo in ay uga sii darto abaaraha dalka ka jira.